Home Wararka Somaliya Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen oo Bilaabay inay Kala Badashaan Kuraasta Golaha...

Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen oo Bilaabay inay Kala Badashaan Kuraasta Golaha Shacabka

0

 

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganey ayaa maanta Muqdisho ka sagootiyay Ninka kursigiisa lagu bedelanayo oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaano Xasan Eelaay oo ah Wasiir ka tirsan Koofur Galbeed.

Kala bedeshada kursigan ayaa ka dambeysay kaddib booqashadii Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen uu ku tagay Kismaayo, waxaana Lafta Gareen iyo Axmed Madoobe kala bedesheen kuraas kala taala Baydhabo iyo Kismaayo.

Xildhibaan Idiris Ganey ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii sida weyn uga soo horjeeday Maamulka Farmaajo, islamarkaana difaacayay Maamulka Axmed Madoobe, waxaana uu sheegay in aanu mowqifkiisa waxba iska bedelin difaaca Jubbaland, wax uu kursigiisa ku bedeshay aanay jirin, waxaana muuqato in difaaciddii Jubbaland aan waxba loogu abaal gudin, balse kursigii uu ku fadhiyay uu noqday mid lagu “kaarto” baxay.

Ad
Previous articleBanaanbaxyo ka socda Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland
Next articleXildhibaankii ugu Horeeyey oo Goorshow lagu Dooratay Garowe iyo Siciid Deni saxibkiis uu Ku Guulaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here