Home Wararka Somaliya Banaanbaxyo ka socda Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland

Banaanbaxyo ka socda Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland

0

Banaanbaxyo lagu taageerayo   dooddii Baarlamaanka UK ee aqoonsiga Somaliland ayaa ka socda Magaalada Hargeysa.

Banaan-baxaan oo lagu qabtay Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad badan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo siyaasiin kale.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa isbuucii hore dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

Ad
Previous articleGaalkacyo oo lagu Qabtay Kooxo Dil ka geestay Magaalada
Next articleAxmed Madoobe iyo Lafta Gareen oo Bilaabay inay Kala Badashaan Kuraasta Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here