Home Wararka Somaliya Xildhibaankii ugu Horeeyey oo Goorshow lagu Dooratay Garowe iyo Siciid Deni saxibkiis...

Xildhibaankii ugu Horeeyey oo Goorshow lagu Dooratay Garowe iyo Siciid Deni saxibkiis uu Ku Guulaystay

0

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ka bilaabatay doorashada xildhibaanada golaha shacabka , waxaana maanta Garawe lagu dooranayaa ilaa shan kursi.

Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa maanta ka dhacday magaalada Garawe waxaa ku tartamay Cabdi Ibraahim Qowdhan oo katirsan wasiirada maamulka Puntland iyo musharax kale oo lagu magacaabo Abshir Cabdi Xusee.

Doorashada kursigan oo sumaddiisu aheyd HOP#196 waxaa ku guuleestay Cabdi Ibraahim Qowdhan oo helay 90-cod halka musharaxii la tartamayay Abshir Cabdi isna helay 6-cod oo kaliya halka ay halaabeen 2 cod.

Siyaasiga kursigan ku guuleestay Cabdi Ibraahim Qowdhan ayaa kamid ah saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweyne Siciid Deni, waxaana Qowdhan hada yahay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe iyo Lafta Gareen oo Bilaabay inay Kala Badashaan Kuraasta Golaha Shacabka
Next articleMid kamid ah Musharixiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Lagu Soo Dooran lahaa Galmudug oo Maxkamad looga yeeray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here