Home Wararka Somaliya Hirshabeelle AMISOM oo Baartay Hoolka Doorashadada Jowhar Kadib Amni daro ka jirta jowhar(Sawiro)

AMISOM oo Baartay Hoolka Doorashadada Jowhar Kadib Amni daro ka jirta jowhar(Sawiro)

0

Guddiga Doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa kormeer ku sameeeyay goobta loo asteeyay in ay ka dhacdo Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee  lagu qabanayo ee magaalada Jowhar.

Waxaa sidoo kale goobta lagu qabanayo doorashada kormeer ku sameeyay saraakiisha Hay’addaha ammaanka oo u kuur galaya ammaanka goobtaasi oo lagu wado in maalinta isniinta ka bilaabato doorashada gollaha shacabka.

Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM ayaa baaris ku sameeyay qeybaha kala duwan ee hoolka lagu wado in doorashada ka dhacdo, waxa ayna ciidamada halkaasi ka baarayeen waxyaabaha qarxa iyo waxyaabo kale oo ammaanka halis galin kara.

Dowlada goboleedka Hirshabelle ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta bilaabista doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, waxa ayna Hirshabelle noqotay maamulka ugu dambeeya aan wali bilaabin doorashada gollaha shacabka.

 

 

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo amar Ku Bixisay in Lafuro Suuqa Bakaaarahaa oo Daacish U xirnaa Maalmihii lasoo Dhaafay
Next articleSafiirka cusub ee Maraykanka oo Warqadaha Aqoonsiga Laga Gudoomay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here