Amiiro iyo Saraakil Ka Tirsan Alshabaab oo isisoo Dhiibay

Tiro Dagaalamayaal ah oo ka tirsan kooxda AS ayaa isku dhiibay Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Ilo ku sugan magaalada Halgan iyo saraakiil Ciidan ayaa xaqiijinaya Warkan, waxana lasoo sheegayaa in ay isugu jiraan askar iyo Amiirro intooda badan kasoo jeeda deegaanka.

Shacabka Gobolka Hiiraan oo kaashanaya Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa todobaadkan guulo ka gaaray dagaalo ay la galeen Alshabaab, iyagoona ka qabsaday deegaano badan oo ay horey uga talinayeen kooxda AS.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*