Home Wararka Somaliya Galmudug Gaadiid Ciidan Sida oo Kasoo Baxay Muqdisho oo So Gaaray Guriceel(Sawiro)

Gaadiid Ciidan Sida oo Kasoo Baxay Muqdisho oo So Gaaray Guriceel(Sawiro)

0

8-sano sano kaddib ayeey markale maanta suurta gashay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay soo gaaraan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Gaadiidkan oo ah kuwa culus ee ciidamada xoogga dalka ayaa loogu talo galay ciidamada qeybta 21-aad oo aan horay u heli jirin gaadiidka culus iyo kuwa gaashaaman ee ciidanka marka laga reebo Gaadiidka Cabdi Bile-yaasha oo diyaarado looga dajin jiray maadaama ay Shabaab haysteen wadada xiriirisa Muqdisho iyo gobolada dhexe.

Gaadiidkan iyo ciidanka Soomaaliyeed ee galbinaya ayaa wax ka yar 7-maalin ku soo gaarey Guriceel waxa ayna durba u gudbeen deegaanada Beriga Galguduud si ay uga qeyb qaataan baacsiga Al-shabaab.

Sanadkii 2014-kii ayaa u dambeysay in Gaadiid ciidan oo Muqdisho ka baxay ay tagaan gobolada dhexe ee dalka taasi oo muujineysa sida Al-shabaab u lumiyeen deegaanadii ay kaga dhuumaaleysan jireen wadada dheer ee Muqdisho iyo Galmudug.

Ad
Previous articleShirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maantay Amaro Culus laga Soo Saaray
Next articleAmiiro iyo Saraakil Ka Tirsan Alshabaab oo isisoo Dhiibay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here