Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Tacsiyeey Geerida Halyeey Cilmi Hagar Guure

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Tacsiyeey Geerida Halyeey Cilmi Hagar Guure

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle, geerida ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday dalkooda iyo dadkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in sida uu uga dhabeeyey Nabaddoon Cilmi halgankiisa iyo oraahdiisii ahayd in uu dalka ka xoreeynayo argagixisada ama uu shahiidayo isagoo dagaal kula jira khawaarijta Al-shabaab, ay muujinayso in waxgaradka, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka go’an tahay xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan Kumanaan la mid ah Nabaddoon Cilmi, kuwaas oo hadda u wada taagan in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada, deegaan kastana kaga kici doonaan, iyagoo isu abaabulay joojinta gumaadka iyo addoonsiga ay ku hayaan argagixisadu dadkeenna la dhibaataysan abaaraha iyo saboolnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u waydiiyey naxariistiisa Janno Nabaddoon Cilmi Hagar Guure, dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida iyo Halgemyaasha xaq u diririka ah ee ku shahiiday howlgallada xoreynta dalka ee maalmahan socda, waxa uuna u rajeeyey qoysaska iyo qaranka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen samir iyo iimaan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Farsamo layaab leh ku laayay Dad kasoo jeeda Hiiraan
Next articleMadaxweyne Putin oo saxiixay go’aan dab ku sii shidaya dagaalka uu kula jiro Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here