Home Wararka Maanta WAR DEG DEG: Wasiirki Amniga Soomaaliya oo ka Mid noqday Dadka ku...

WAR DEG DEG: Wasiirki Amniga Soomaaliya oo ka Mid noqday Dadka ku Waxyeloobay Qaraxyada Muqdisho Ruxay Caawa

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxa qaraxyo waaweyn oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga godka Jilicow oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu horeyn qarax weyn loo maleynayo is-miidaamin ayaa dhacay, kadibna waxaa xigay qaraxyo kale iyo rasaas toos ah.

Dad ka ag dhow aagaas ayaa Mudug24 sheegay in koox hubeysan ay gudaha u gashay Hotel lagu magacaabo Villa-Reys.

Weli waxaa laga maqlayaa aaggaas rasaas si darandoori ah u dhacaysa.

Wararka Hordhaca ah ayaa Sheegaaya in Wasiirkii amniga Dowlada Soomaaliya Doodishu uu ku Dhaawacmay Qaraxyada Cawa Ruxay Muqdisho.

 

Ad