Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyey Hotelka Villa Rose & Alshabaab oo Wali ka Dhex...

Wararkii ugu dambeeyey Hotelka Villa Rose & Alshabaab oo Wali ka Dhex Dagaalamaaya

0

Rasaas Goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa Hotelka Villa Rose halkaasoo Caawa Fiidkii ay weerareen Xubno ka tirsan Alshabaab.

Kooxdii weerarka qaaday ayaa wali gudaha ku jirta waxaana goobta oo xiran iyo xiliga saq dhexe ah aawgeed adag in Xog dhameystiran la helo.

Sida ay xaqiijiyeen illo xog-ogaal ah inta badan mas’uuliyiinta ka badbaadey weerarka Hotel Villa Rossa oo ay kamid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka boodey daaqadaha iyo darbiyada, waxyeelo ayaana soo gaartay

Wasiirkii Amniga Somalia oo ka mid ahaa dadka darbiyada ka booday ayaa la sheegayaa inuu ka jabay lugta bidix, waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdsho.

Waxaa sidoo kale la xaqiijinayaaa geerida dhowr qof oo ay ku jiraan rag qurbaha ka yimid dhowaan oo ku sugnaa hotelka la weeraray oo ku yaalla inta u dhexeysa Villa Somalia iyo Godka Jilacow, waxaana ka mid ah nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Sayid Xasan oo labo todobaad ka hor ka yimid UK.

Ciidamada amaanka ayaa ku dedaalaya iney soo afjaraan weerarka oo saacado badan qaatay, iyadoo weerarkan oo ku bilowday qarax ay masuuliyadiisa sheegatay Al-shabaab

Ad
Previous articleWAR DEG DEG: Wasiirki Amniga Soomaaliya oo ka Mid noqday Dadka ku Waxyeloobay Qaraxyada Muqdisho Ruxay Caawa
Next articleTuhuno Hareeyay In Loo Fududeeyay Kooxda Al-Shabaab Gaarista Villa Rosa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here