Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyey natiijada Doorashada madaxweynaha dalka Kenya

Wararkii ugu dambeeyey natiijada Doorashada madaxweynaha dalka Kenya

0

Natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada madaxweynaha Kenya ayaa muujinaya tartan aad la isugu dhow yahay, oo ay adag tahay in la saadaaliyo cidda ku guuleysan doonta.

Haddii natiijooyinkan ay muujinayaan hal arrin ayaa ah; in musharax kasta oo laga guuleysto, haddii uu noqon lahaa Raila Odinga ama William Ruto, uu dood ka keeni doono natiijada islamarkaana la tiigsan doono maxkamad.

Kenya kama dhicin doorasho aan la isku khilaafin oo loolan ka dhalan tan iyo 2002, waxaana muranadii hore qaarkood ay hoggaamiyeen dhiig badan oo daatay, kuwaasi oo ka dhashay dagaal dhex-maray qowmiyadaha iyo isku dhacyada shacabka iyo booliska.

Ayada oo ay codeeyeen in ka badan 16 milyan oo qof oo ka mid ahaa 22 milyan oo isu diiwaan gelisay codeynta, ayaa natiijada horudhac waxay muujineysaa in aad la isugu dhow yahay ayada oo hoggaanka uu marba qabano musharax.

Ma jiro weli musharax kan kale ka hormaray wax ka badan boqolkiiba 1.

Tartanka ayaa waxaa xilliga aan qoraalkaan daabaceyno oo ah 7:00am xilliga Nairobi iyo Muqdisho waxaa si dirqi ah ugu horreeya William Ruto oo Raila Odinga ku hoggaaminaya codad ah; 49.9% iyo 49.4%.

Guddiga madax-banaan ee doorashada Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa waxaa saaran cadaadis ah inuu soo saaro natiijo doorasho oo xor iyo dhexdhexaad ah, maadaama doorashadii 2017 la baabi’iyey kadib khaladaad badan oo dhacay oo ay guddiga sameeyeen.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa Khamiistii ka digay in dib u dhaca haysta shaacinta natiijada rasmiga ah uu horseedayo in la faafiyo warar been abuur ah oo la xiriira natiijada, taasi oo hoggaamin karta in dadka qaar aysan hadhow aqbalin natiijada rasmiga ah ayaga oo rumeysanaya midda been abuurta ah ee hadda wareegeysa.

Guddiga doorashada ayaa haysta illaa 16-ka August si ay u shaaciyaan natiijada rasmiga ah

 

 

 

 

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleRoobow iyo siyaasiyiin kale oo Hanjabaad siyaasadeed oo culus u diray Laftagareen
Next articleMuuse Biixi oo Ka Hadlay Baanbaxayada Ka Dhanka ah ee Ka Bilowday Soomaaliland