Home Wararka Caalamka 66 Caruur Ah Oo Dalka Gambia Ku Geeriyootay Kadib Markii Ay Isticmaaleen...

66 Caruur Ah Oo Dalka Gambia Ku Geeriyootay Kadib Markii Ay Isticmaaleen Sharoobo Laga Keenay India.

0

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa tijaabinaya tiro ka mida daawada sharoobada ee loo isticmaalo qufaca ee ay soo saarto shirkadda daawada ee Maiden ee loogu talo galay in dalalka dibadda loo dhoofiyo, ka dib markii ay Hay’adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay ay sheegtay inuu jiro xiriir ka dhexeeya, daawooyin ay shirkaddani soo saartay iyo dhimashada tobanaan caruur ah oo ku nool waddanka Gambia.

Dhimashada 66 caruur ah oo u dhashay dalka Gambia ee ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa dhabar jab ku ah, sumcadda daawooyinka lagu farsameeyo dalka Hindiya, iyaga oo daafaha adduunka u dhoofiya daawooyin tiro badan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tijaabo shaybaar oo lagu sameeyey afar ka mida badeecadaha ay soo saarto shirkadda Maiden, kuwaas oo kala ah, Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup, inay ka soo baxday natiijo aan la qaadan karini, taasoo ay ku jiraan waxyaabo sun ah oo dhaawac gaarsiinaya kelyaha.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in muunado isku dhaf ah oo ay soo saartay shirkaddani oo ka kooban dhamaan afarta nooc ee walaaca caafimaad laga muujiyey, inay u direen shaybaar dawladeed, iyaga oo sugaya natiijada ka soo baxda, si ay ugu go’aan qaataan.

Wasaaradda ayaa ka codsatay hay’adda WHO inay la wadaagto dawladda Hindiya, natiijada muujinaysa in daawooyinka ay shirkaddani soo saarto inay sababeen dhimashada.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daabacday, in fariin email ah, lagaga codsaday hay’adda WHO inay ka falceliso arrintan, hase ahaatee kama aysan soo jawaabin.

Shirkadda Maiden oo la aasaasay sannadkii 1990 ayaa sannadkii waxay soo saartaa illaa 2.2 milyan oo sharoobo, 600 milyan oo Capsules ah, 18 million oo iraab ah ah, 1.2 billion oo kinin ah iyo daawooyin kale

 

 

 

Ad
Previous articleDagaal Culus Oo Ka dhacay Deegaanka Basra Iyo Saraakiil sare oo Ku Dhaawacantay
Next articleCabdi Naasir Daa’uud oo Saakay la toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here