Home Wararka Maanta Dagaal Culus Oo Ka dhacay Deegaanka Basra Iyo Saraakiil sare oo ...

Dagaal Culus Oo Ka dhacay Deegaanka Basra Iyo Saraakiil sare oo Ku Dhaawacantay

0

Dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa goordhow weerar culus oo qaraxyo ku bulowday ku qaaday inta u dhexeysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad oo fariisimo ay ka sameysteen ciidamadda dowladda Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, waxaa halkaasi ka socda dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dagaalka sababay, kaasoo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Dadka dagaalkan ku dhaawacmay waxaa kamid ah sarkaal ka tiraan NISA oo lagu magacaabo Xasan Fanax, kaasoo haatan ku magacaaban taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda, wuxuuna kamid ahaa saraakiisha wax ka abaabuleysay gulufka ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Shabaab oo war ka soo saartay weerarkan waxey ku sheegeen iney ku dileen 12 askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda, iyagoo ka gaabsaday iney bixiyaan xogta dhankooda khasaaraha soo gaaray, mana jiro wax war ah oo dowladda ay ka soo saartay dagaalkan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, xili manata oo kale Jimcihii hore ay kooxda Al-Shabaab deegaanka Basra ay ku dileen taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole kadib markii ay la kacday miino dhulka la galiyay oo uu ku istaagay.

 

 

 

Ad
Previous articleXasan Daahir Aweys oo ka hadlay Dilka loo geestay Wiilkiisa iyo Cida ka danbeesay Dilkaasi
Next article66 Caruur Ah Oo Dalka Gambia Ku Geeriyootay Kadib Markii Ay Isticmaaleen Sharoobo Laga Keenay India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here