Home Wararka Somaliya Saraakiil Ka Tirsan Milateriga Soomaaliya iyo Sanater Cabdi Qeybdiid oo Maanta Shir...

Saraakiil Ka Tirsan Milateriga Soomaaliya iyo Sanater Cabdi Qeybdiid oo Maanta Shir xasaasi ah ku yeeshay Camaara Gobalka Mudug {Sawiro}

0
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyed General Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay ciribtirka Alshabaab ee goobaha ay uga hareen gobolka Mudug.
Kulankaan waxaa Goob joog ahaa Taliyihii Hore ee Boliiska Gobalka Banaadir Saadaq Joon oo Muddo ka dib Warbaahinta ka soo Muuqday asigoo xiran Tuutaha Ciidanka Milteriga DFS iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.
Qorshaha Kulankaan ayaa ujeedkiisa Lagu sheegay in Galmudug laga saaro Alshabaab waxaana kulankaan uu ka qabsoomay deegaanka camaara oo shalay ciidanku la wareegeen.
Sidoo kale Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa  Sanatar Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb-diid iyo saraakiisha ciidanka hogaamineysa, waxaana Mudug ka soconaya Howlgallo ka dhan ah Alshabaab.
Ad
Previous articleR/w Khayre oo la kulmay Dhalinyarada Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka gobolka Mudug
Next articleGalmudug oo War Xasaasi ah ka soo saartay Dagaalada Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here