Home Wararka Somaliya R/w Khayre oo la kulmay Dhalinyarada Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka gobolka Mudug

R/w Khayre oo la kulmay Dhalinyarada Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka gobolka Mudug

0
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya  ahna musharrax Madaxweyne Xasan Cali khayre ayaa hoygiisa ku qaabilay wafdi ka socda Madasha Nabadda iyo Isdhexgalka gobolka Mudug oo howlo shaqo u jooga caasimadda dalka ee Muqdisho.
Masuuliyiinta Madasha ayaa Musharraxa oga warbixiyay xaaladda gobolka mudug gaar ahaan nabadda iyo horumarka ka jira gobolka mudug iyo dhamaan deegaanada Galmudug.
Sidoo kale waxay wafdigu lawadaageen Musharax Madaxweyne Xasan Cali khayre in sanadkaan la qaban doono Gaalkacyo Peace Bookfair oo ujeedadiisu tahay in lagu sii adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Xasan Cali ayaa ka mid ah Musharaxiinta Tirada badan ee deegaan ahaan ka soo jeeda Galmudug, waana shaqsiyaadka ugu cad cad marka la eego Siyaasada iyo Miisaanka Musharaxiinta.
Ad
Previous articleDiyaarad rakaab ah ayaa ku soo dhacday degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.
Next articleSaraakiil Ka Tirsan Milateriga Soomaaliya iyo Sanater Cabdi Qeybdiid oo Maanta Shir xasaasi ah ku yeeshay Camaara Gobalka Mudug {Sawiro}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here