Home Wararka Somaliya Maamulka Deegaanka Bajeela ee Gobolka mudug oo soo saaray Amaro culus

Maamulka Deegaanka Bajeela ee Gobolka mudug oo soo saaray Amaro culus

0
Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela Maxamed shuuke Abshir ayaa sheegay iyadoo laga duulayo Xaqiijinta Amniga iyo ilaalinta shacabka Deegaanka inay soo saareen Awaamiir la xariirta Amniga
Maxamed shuuke Abshir Guddoomiyaha Bajeela waxaa uu tilmaamay inaysan jirin Gaadiid ku Safri kara Wadooyinka soo gala Deegaanka Bajeela laga bilaabo Beri marka saacadu gaarto Toban Saac oo galabnimo ilaa 12 Aroornimo.
Waxaa uu ugu baaqay Gaadiidlayda ku Safra Wadooyinka ka yimaada Magaalooyinka Baraag Ciise, Wisil,Qeydaro,Dowgaab iyo Gaalkacyo inaysan Bajeela soo galin Inta u dhaxaysa Saacadaha Maamulku asteeyay.
Amarkaan uu xalay soo saaray Maamulka Bajeela ee Galmudug ayaa imaanaya dhawaan Al shabaab weerar ku qaadeen Magaalada Wisil laakiin Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa beeniyay Damacii Maleeshiyaadka Al shabaab.
Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Somaliya oo Tababar u furay Guddiga Doorashada dalka.
Next articleXildhibaano ka Tirsan Galmudug oo garab istaag ugu Tegay Ciidamada Galmudug ee Wisil ku sugan (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here