Home Wararka Somaliya Ra’isul Wasaaraha Somaliya oo Tababar u furay Guddiga Doorashada dalka.

Ra’isul Wasaaraha Somaliya oo Tababar u furay Guddiga Doorashada dalka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka ka dib Markii shalay la shaaciyay Jadwalka Doorashada dalka.

Maxamed xuseen Rooble Ra’isul wasaaraha dalka ayaa  kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan howsha doorashooyinka ee loo igmaday.

Waxaa tababarkaan loo furay Xubnaha Guddiga doorashada dalka oo Maamul gobaleedyada dalka iyo Dowladda dhaxe ay soo Magacaabeen.

Xukuumadda Soomaaliya oo kaa shanaysa Dowlad Gobaleedyada dalka iyo Gobalka Banaadir ayaa shalay soo saaray Jadwalka Doorashada Soomaaliya oo Muddo is jiijiid ka jiray.

Ad
Previous articleXaalada itoobiya iyo Kulankii xalay Ra’isul Wasaaraha itoobiya la yeeshay Warbaahinta
Next articleMaamulka Deegaanka Bajeela ee Gobolka mudug oo soo saaray Amaro culus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here