Home Wararka Maanta 4 qodob oo uu ballan qaaday Xasan Sheekh ka hor inta aan...

4 qodob oo uu ballan qaaday Xasan Sheekh ka hor inta aan la dooran

0

Hasan Sheekh Maxamuud ayaa 12-kii bishan baarlamaanka hortiisa ku ballaan qaaday dhawr qodob haddii dib loo doorto, waxaana ka mid ahaa qodobodan hoos ku xusan balse su’aashu waxay tahay maka soo baxi doonaa ballan qaadayadan mise waxa ay noqono doonaan kuwa uun lagu doonayay codka baarlamaanka.

Amniga

Waxaan diiradda saari doonaa aminga oo ah in dalka dib loo xoreereyo oo laga xoreeyo argagixsada magaalooyinka lana furo waddooyinka isku xiro magaalooyinka si ganacsiga ay dadka ay si xor ah u socdaan. Waxaa amniga barbar socda garsoorka oo aan ku bilaabi doonno guddigiissi madaxa bannaanaa ee adeegga garsoorka

Ilaalinta sharafta iyo karaamada dalka iyo dadka

Waxaan ballan-qaadaya in qof muwaadin Soomaaliyeed aan dal kale loo dhiibin. waxaan ballana qaadayaa in qof soonaali ah in fikrka siyaasi ee uu aamnisan yahay awgiis loo caburin loona cadaadin.

Dib u heeshiisiin

Xasan sheekh ayaa ballan qaaday in dalka ay ka dhaqan-gelin doono dib u heshiisiin laba weji leh:

1: “Dib u heshiisiinta buslhada ee degaanada oo degmooyinka maxalliga ah ee beelaha dhexdooda ka socon doonta.”

2: “Dib iyo u heshiisiinta siyaasadda oo dadka soomaaliyeed aan dooneyno in aasaas u noqodo dastuurka, haddii dastuurka lagu heshiiyo oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isla qaataan waxaan aaminsanahay in dib u heshiisiinta siyaasadda meel-gaaratay laguna dhaqmi doono haddii Alle yirahdo.”

Dimuqraadiyadda

“Dumuqraadiyadda waxaan aasaas uga dhigeynaa xisbiyada siyaasadda oo aan dooneyno in qofka siyaasiga ah fikirkiisa la yaqaano oo aan dalka hogaakiisa iyo taladiisa aanu imaani isagoo aan laga garaneyn u jeedooyinkiisa iyo aragtidiisa siyaasadda. Waxaan abuureynaa nidaam ah in dadka Soomnaaliyeed ay ku kalsoonaadaan hay’adaha datuudriga ah iyo kuwa dowladda oo aan loo arkin kuwa u daneynaya dadka gaar ah ama deegaan gaar ah,” ayuu yiri.

“Waxaa sidoo kale daadajin doonnaa nidaamka defedraalka oo gaarsiin doionnaa ilaa heer degmo iyo tuulaba.”

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo kulankii ugu Horeeyey la Qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya
Next article4 Qodob oo Farmaajo Waligiis lagu Xasuusan Doono(Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here