Home Wararka Somaliya Akhriso Galmudug oo Joojisay Dhismaha Golaha Deegaanka Dhusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Hobyo iyo...

Akhriso Galmudug oo Joojisay Dhismaha Golaha Deegaanka Dhusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Hobyo iyo  Balamballe

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray Warqad Cadeynaysa in la joojiyey dhamaan Dhismaha Golaha Deegaanka Shan Degmo oo kamid ah degmooyinka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in la joojiyay Dhismaha Golaha degaanka degmooyinka, Dhusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Hobyo iyo  Balamballe oo Golle degaan loo sameeyay loona dhaariyay.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiinta Galmudug waxay hakisay
muddo 90 cisho ah Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Dowlad Goboleedka
Galmudug ee Dhismahoodu lagu mashqulsanaa ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Sababaha loo joojiyay dhismaha Golaha degaanka Shanta degmo ay tahay Amar kasoo baxay Madaxda Galmudug si looga gudbo doorashooyinka Heer Federaal ee dalka ka bilaabanaya.
Wasaarada Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa ugu dambeyn sheegtay in, iyada oo tixraacaysa amarkii Xukuumada Galmudug ay ku hakisay Dhismaha Goleyaasha deegaanka Galmudug ay faraysaa Howl wadeenada Wasaarada in ay Mudo 12 saac ah ku soo galaan Xarunta Wasarada Arimaha Gudaha Galmudug ee Dhusamareeb, sidoo Galmudug ay dib u bilaabi doonto  Dhismaha Golayaasha deegaanka Galmudug 90 casho ka dib.
Ad
Previous articlein ka badan 40 Kun oo arday ah oo Maanta u fadhiisanaya imtixaanka D sare
Next articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Daah Furay imtixaanka Dugsiyada sare (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here