Home Wararka Maanta Zelenesky oo xulafadiisa ugu baaqay taageero hub oo degdeg ah iney dalkiisa...

Zelenesky oo xulafadiisa ugu baaqay taageero hub oo degdeg ah iney dalkiisa la soo gaaraan

0

Madaxweyne Zelenesky ayaa ku baaqay in dalkiisa si degdeg ah loola soo gaaro tangiyada iyo hubka culus, xilli ay ugu yaraan 50 dal oo xulfa la ah Ukraine ay kulan ku leeyihiin dalka Jarmalka.

Ka hor inta uu Zelenesky uu farriintiisa jeedinin, Xoghayaha Gaashaandhiigga Mareykanka Lloyd Austin, xulfada Ukraine wuxuu u sheegay in la joogo xilligi la qaadan lahaa go’aan xasaasi ah maadaamaa dalka Ukraine xaaladdiisu ay mareyso meel xasaasi ah.

Wuxuuna sheegay Ruushka inuu dib uu iisu qaabaneeyo, ciidamadiisuna uu dib u qalabeynayo.

Mareykanka iyo Jarmalka waxaa saaran cadaadis ah iney taangiyo ku deeqaan dalka Ukraine iyada oo ilaa iyo hadda ay UK oo keli ah taangiyo ku deeqday Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine Viladmir oo farriin muqaal ah u soo jeediyey kulankaasi wuxuu sheegay inuu jirin wakhti kale oo la luliyo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Taliye ku Xigeenkii Danab ee Lagu Dilay Degmada Qalcad
Next articleAabbe Maxamed Cabdiraxmaan oo laba carruur ah oo uu dhalay Si Arxan Dara ah u dilay oo dil lagu xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here