Home Wararka Maanta Xuseen Shiikh Maxamud oo La Filaayo in loo Magacaabo agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya(Xog)

Xuseen Shiikh Maxamud oo La Filaayo in loo Magacaabo agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya(Xog)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magacaabo agaasimaha madaxtooyada marka uu maanta oo Isniin ah si rasmi ah xafiiska ula waraago, sida aan  ogaanay Baaritaan aan Samaynay 

Xilkan ayaa la filayaa in loo magacaabo Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay Senator u ahaa, balse aan dib loo soo dooran kadib markii uu ka mid noqday xubnaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu u diiday inay mar kale is-sharxaan.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, ayaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabista Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay dejiso xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la doortay aan laheyn nidaam rasmi ah, maadaama uusan cidna xil u magacaabin.

Magacaabistan ayaa sidoo kale dhabbaha u xaari doonto bilowda dhismada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayada oo ay xigi doonaan xilal kale oo dhowr ah, oo uu ugu weyn yahay xilka ra’iisul wasaaraha cusub.

Ad
Previous articleMasuul Sare oo ka tirisan Dowlada Ukraine oo ku dhawaacmay dagaalka Ukraine.
Next articleCiidamda Galmudug Iyo Kuwa Ahlusuna oo Markale Dagaal Qaraar Dhexmaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here