Home Wararka Maanta Ciidamda Galmudug Iyo Kuwa Ahlusuna oo Markale Dagaal Qaraar Dhexmaray

Ciidamda Galmudug Iyo Kuwa Ahlusuna oo Markale Dagaal Qaraar Dhexmaray

0

Dagaal culus ayaa Shakay galinkii Danbe ku dhexmaray duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ciidamada Galmudug iyo DF oo dhinac ah iyo xoogag taabacsan Ahlusunna.

Sida Wararku sheegayaan dagaalka ayaa qarxay markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen degaan u dhexeeya Walamooga iyo Yibirsuge oo ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan Ahlusunna oo uu hogaaminayey sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Raage.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu diiday  waan-waan beryahanba laga dhex waday isaga iyo maamulka Galmudug ka dib markii uu ka hor yimid inuu hubkiisa ku wareejiyo Maamulka, waxaana markii ay fashilantay waan-waanta weerar qaaday ciidamada DF iyo kuwa Galmdug oo watay qiyaastii 20 gaadiidka dagaalka ah.

Dagaalkii galabta qarxay oo soo gaaray caawa fiidnimadii ayaa la isku adeegsaday hub kala duwan oo ay ku jireen hoobiyeyaal iyo madaafiic kale, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhniac inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Ad
Previous articleXuseen Shiikh Maxamud oo La Filaayo in loo Magacaabo agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya(Xog)
Next articleFarmaajo oo 5 sano Kadib Maantay ka Guuraaya Madaxtooyada iyo Xasan Shiikh Oo 5 Sana ka dib Dib ugu soo laabaanaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here