Home Wararka Maanta Xukun adag oo lagu Riday Sargaalkii dilka u geestay Najma Cabdillaahi oo...

Xukun adag oo lagu Riday Sargaalkii dilka u geestay Najma Cabdillaahi oo Dhawaan Hargaysa lagu Dilay

0

Maxkamadda Ciidamada maamulka Somaliland ayaa maanta xukun dil ah ku riday sargaal katirsanaa ciidamada maamulkaasi oo dhawwaan magaalada Hargeysa dil bareer ah ugu geestay gabar dhallinyaro ah oo u shaqeeneysay wasaaradda beeraha Somaliland.

Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac, ayaa maxkamada ciidamada ku heshay in dil barerr ah 3-dii Bishaan xilli Habeen Magaalada hargeysa ugu geestay Najma Cabdillaahi Maykal oo ay diris ahaayeen.

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay sargaalkan dilka geestay xilli uu isku dayay in uu baxsado, waxaana dilkan la sheegay in uu salka ku hayay khilaaf u dhaxeeyay reer sargaalka iyo tan gabdha uu dilay.

Waalidka iyo ehelka Najma Cabdillaahi Maykal ayaa ka codsaday maamulka Somaliland in cadaalada loo marsiiyo , waxa ayna cadeeyeen in aysan aqbali doonin wax ana ka aheyn in loo dilo sargaalka dilka u geestay gabadhooda
Ad
Previous articleXildhibaan Beerey oo isaga tagay Xubinnimada Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad Soomaaliya.
Next articleinkabadan 25 Musharax Madaxweyne oo is Diiwaan galiyay Xili wali Diiwaan Galintu Socoto(Akhriso Magacyadooda)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here