Home Wararka Maanta inkabadan 25 Musharax Madaxweyne oo is Diiwaan galiyay Xili wali Diiwaan Galintu...

inkabadan 25 Musharax Madaxweyne oo is Diiwaan galiyay Xili wali Diiwaan Galintu Socoto(Akhriso Magacyadooda)

0

Ku dhowaad 25 musharax ayaa illaa hadda isu diiwaangeliyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.

Diiwaangelinta musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guud ahaan waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif Sheekkh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socota maanta ayada oo illaa hadda ay is-diiwaangeliyeen, Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys
Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiq, Nucmaan Shiekh Cumar, Muqtaar Maxamed Sayid iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay is-diiwaangeliyaan musharaxiin kale, oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga.

Musharaxiinta ayaa lagu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacag is-diiwaangelin oo gaareysa $40,000, inay haystaan saxiixa 20 xildhibaan oo taageersan iyo soo gudbinta barnaamij siyaasadeedkooda oo qoran.

Haddii uu sida loo qorsheeyey u dhaqan-geliyo jadwalka doorashada, waxa ay soo geba-gebeeneysa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha, ayada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii Febraayo 2021.

Ad
Previous articleXukun adag oo lagu Riday Sargaalkii dilka u geestay Najma Cabdillaahi oo Dhawaan Hargaysa lagu Dilay
Next articleDeg Deg:Madaxweyne Farmaajo Oo Qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here