Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xoogaga Al-Shabaab oo dib ula wareegay degaan ku dhow Baladweyne (Sawirro)

Xoogaga Al-Shabaab oo dib ula wareegay degaan ku dhow Baladweyne (Sawirro)

0

Xoogaga Al-shaaab ayaa si nabadgelyo ah ula wareegay deegaanka Tarajante ee duleedka degmada Baladweyne oo ay gacanta ku hayeen ciidamada dowlada.

Deegaanka Tarajante ayaa masaafo gaareysa 30km oo kaliya  bari ka xiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa ka dhex muuqday xoogaga Al-shabaab oo sii galaya gudaha degaanka.

Saraakiisha Alshabaab ayaa kulamo la qaatay dadka ku dhaqan degaanka Tarajante iyagoo ugu hanjabay in cid kasta oo la shaqeysa ciidamada DF ay ciqaabi doonaan sida laga soo xigtay dadka degaanka

Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle oo labo cisho ka hor gaaray deegaanka Tarajante ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay dhulkooda ka difaacdaan kooxaha Al shabaab.

Al-shabaab ayaa horey ula wareegtay deegaanada CaliGaney, NuurFanax Booco iyo Burdaar oo dhamaantood ku yaalla bariga Hiiraan.

Ad
Previous articleXassan Shiikh oo Magacaabay Gudoomiye ku-xigeenada G/Banaadir iyo Caliyare Cali oo Xilka Laga Qaaday
Next articleDuulimaadyadii ugu horreeyay ee Qatar iyo Israa’iil oo bilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here