Home Wararka Caalamka Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Qatar iyo Israa’iil oo bilowday

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Qatar iyo Israa’iil oo bilowday

0

Duulimaadkii ugu horreeyay ee ganacsi ee toos ah oo la isaga kala gooshayo Israa’iil iyo Qatar ayaa bilowday maanta oo Dowxa uu ka bilaabmay Koobka Adduunka, walow labadan dal aanay lahayn xiriir diblumaasiyadeed.

Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa la filayaa in inta uu socdo tartankaasi kubadda cagta ay booqan doonaan dalkaasi ku yaal Khaliijka Carabta.

Falastiiniyiinta haysta tigidhada lagu galo ciyaaraha, kuwaas oo ay tahay inay marka hore ogolaansho ka helaan dowladda Israa’iil, ayaa iyana loo ogolaan doonaa inay safraan.

Wufuud heersare ah iyo taageerayaal ka kala tagay daafaha dunida ayaa gaaray dalkaas ku yaal Khaliijka Carabta, halkaas oo uu tartankaasi ka socon doono muddo bil ah.

Waa tartankii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ee lagu qabto Bariga Dhexe.

32 (laba iyo 30 kooxood) ayaa ka qeyb qaadanaya tartankan, iyadoo ciyaarta ugu horreysa ee tartankan lagu furayna ay bilaabatay 7:00 fiidnimo waqtiga Bariga Afrika, iyadoo ay haatan ku loollamayaan waddamada Qatar iyo Ecuador.

Ad
Previous articleXoogaga Al-Shabaab oo dib ula wareegay degaan ku dhow Baladweyne (Sawirro)
Next articleMuwaadiniinta dalka qaniga ee Muslimka ah ayaa la ashqaraarsan taariikhda cusub ee uu dalkooda galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here