Home Wararka Maanta Xog: Madaxweyne Xasan Shiikh Maku Guulaysan Doona Inuu Dib u Fasaxo khaadka...

Xog: Madaxweyne Xasan Shiikh Maku Guulaysan Doona Inuu Dib u Fasaxo khaadka Kenya?a

0

Soomaaliya waxaa laga doodayaa fasixidda Qaadka ka yimaada  wadanka Kenya. Nairobi waxay qarka u saaran tahay inay dib u hesho suuqeedii Qaadka ee Soomaaliya.

Malaayiin Dollar ayey ganacsatada Qaadka ee Kenya qasaareen tan iyo markii madaxweyne Farmaajo diiday dan ganacsi oo hal dhinac ah markaas oo uu xirmay suuqii ugu weynaa ee Qaadka Kenya oo ahaa u dhoofinta magaalada Muqdisho.

Horraanta bisha soo aadan ee July labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inay saxiixdaan heshiis laba dhinac ah oo dib loogu fasaxayo Qaadka laguna lifaaqi doono qodobo kale.

Dowladda Kenya dhowr jeer ayey diiday inay Soomaaliya wax muuqda uga badalato suuqaa Qaadka. Hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa koox siyaasiyiin ah oo macaash doon ah waxay ku cadaadinayaan inuu heshiiskaan deg deg u dhaco.

Walaac ugu weyn ee dib u fasixida Qaadka ka yimaado Kenya waa in madaxweyne Xasan Shiikh iyo saaxiibadii u xusul duubayaan in dad gaar ah oo xukuumadii hore madax iyo wasiiro ka ahaa in loo xiro suuqa Qaadka.

Xubnahaas qaar waxaa la sheegayaa inay horey usoo galeen ballan ay Kenya gaar ugu maamuuseyso haddii ay soo dhiciyaan fasaxa qaadka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa la sheegay inuu durba gadood ka muujiyey qorshaha dad gaar ah la rabo in loogu xiro ganacsiga qaadka Kenya oo markii hore ahaa mashruuc ay dad shacab ah ka faa’ideysan jireen.

Guuxa arrintaan ayaa dhex yaala siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan waxaa aad u hadal hayo xildhibaanada golaha shacabka.

 

 

 

Ad
Previous articleCabdiraxman Cabdishakuur oo Baaq Xasaasi ah u Diray Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Dalka dib ugu soo laabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here