Home Wararka Somaliya Somaliland Xisbiyada Mucaaradka Oo Go’aan Culus Maanta Ka Qaadanaya Mudo Kordhintii Muuse Biixi

Xisbiyada Mucaaradka Oo Go’aan Culus Maanta Ka Qaadanaya Mudo Kordhintii Muuse Biixi

0

Warraka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ay go’aan rasmi ah ka soo saarayaan mudo koedhintii shalay golaha guurtida Somaliland ay u sameeyeen mudo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyagoo mudo laba sano ah waqtiga ugu daray.

Wararka la helayo ayaa tilmaanaya in hoggaanka labada Xisbi ee Wadani iyo UCID uu u soo dhamaaday wadahadalo ilaa shalay u socday, waxaana maanta xarumogooda looga yeeray warbaahinta, iyagoo si rasmi ah u cadeyn doona talaabooyinka ay qaadayaan.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya iney ki dhawaawi doonaan qabashada Shir wadatashi ah ummadeed ah, kaas oo ka dhici doona magaalada  Burco ee hore looga aas’aasay Somaliland.

Sida xogaha ay muujinayaan, Xisbiyada Mucaaradka ayaa sidoo kale ku dhawaaqi doona markii ugu horreeysay dhisnaha Xukuumad gaar ah, taas oo xaalad amni iyo mid siyaasadeed gelin karta degaannada Somaliland, maadaama dhowr jeer Mucaaradka Somaliland oo banaanbax dhigayay la rasaaseeyay.

Si kastaba, doorashada guud ee Somaliland ayaa ku asteysneyd 13-ka bisha Novmeber, balse Muuse Biixi ayaa ku darsaday 2 sano, taas oo ka dhigeysa muddo xileedkiisa 7 sano.

 

 

Ad
Previous articleRuushka oo afduubtay Madaxdii Nukliyeerka Dalka Ukraine
Next articleAl Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dilka Maxamed Sheekh Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here