Home Wararka Maanta Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dilka Maxamed Sheekh Xasan

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dilka Maxamed Sheekh Xasan

0

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xaafada Sii Sii ee degmada Dayniile ku dilay nin lagu magacaabo Maxamed Sheekh Xasan , oo la sheegay in uu ahaa askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen dilka loo geestay Maxamed Sheekh Xasan, oo ay tilmaameen in uu katirsanaa howlwadeenada wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninkan la toogtay xilli uu kasoo baxay gurigiisa kuna sii jeeday goobtiisa shaqada, waxaana baxsaday kooxdii hubeesneed ee ka dambeesay dilkan ka dhacay degmada Dayniile.

Degmada Dayniile ayaa muddooyinkan waxaa kusoo badanaya dilalka ay Al Shabaab ka fuliyaan qeybo kamid ah degmadaasi, isbuucii hore ayeyna aheyd markii Al Shabaab qarax ku dileen agaasimihii samafalka degmada Dayniile Cabdullaahi Xiirey.

 

 

Ad
Previous articleXisbiyada Mucaaradka Oo Go’aan Culus Maanta Ka Qaadanaya Mudo Kordhintii Muuse Biixi
Next articlefaahfaahin: Dagaal ka Dhacay Gudaha Saldhiga Degmada Qardha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here