Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Xildhibaano Cusub oo Ka Mid noqonaaya Golaha Shacabka oo Goordhow la Doortay...

Xildhibaano Cusub oo Ka Mid noqonaaya Golaha Shacabka oo Goordhow la Doortay yaa kusoo baxay(Aqriso)

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#253, Hop#178, Hop#050 iyo Hop#230 ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1-Aadan Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#253.

2-Cabdulaahi Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#178.

3-Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc) oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#050.

4-Jaamac Taqal Cabaas oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#230.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka

Ad
Previous articleCumar cabdirashiid oo Si kulul uga Hadlay Doorashada Dalka kasocota
Next articleGolaha Qaramada Midoobay oo Go,aan Culus kasoo Saaray Dagaalka Ruushku Ku Qaaday Ukrayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here