Home Wararka Caalamka Golaha Qaramada Midoobay oo Go,aan Culus kasoo Saaray Dagaalka Ruushku Ku...

Golaha Qaramada Midoobay oo Go,aan Culus kasoo Saaray Dagaalka Ruushku Ku Qaaday Ukrayn

0

Kulanka guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta loogu codeeyey qaraar lagu cambaareynayay duulaanka Ruushka.

Golaha ayaa waxaa sidoo kale ka dalbadeen Ruushka in ciidamadiisa uu  si dhaqsi ah ugala baxo dalka Ukraine.

Qaraarka ayaa waxaa taageeray 141 waddan oo ka mid ah 193 dal ee xubnaha ah, inta lagu guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah.

Sidoo kale intii ay socotay codeynta ayaa safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya wuxuu sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.

Waaa kulankii ugu horreeyay oo deg-deg ah oo golaha guud ee Qaramada Midoobay isugu yeeray xubnaha, tan 1997-dii.

Xaaladda Ukraine ayaa weli qasan, wuxuuna dagaalku galay maalintiisii sideedaad, iyada oo duqeymihii u dambeeyey ay ku dhinteen 21 qof, kuna dhaawacmeen 112 qof oo kale.

In ka badan 870,000 oo qof ayaa la sheegay inay ka gudbeen xuduudaha Ukraine, iyagoo u cararaya dalalka deriska ah, Ruushka ayaa wajahaya cunaqabatayn caalami ah oo gilgishay dhaqaalaha dalkiisa, taas oo uu ku muteystay duullaanka culus ee uu ku qaaday Ukraine.

Ad
Previous articleXildhibaano Cusub oo Ka Mid noqonaaya Golaha Shacabka oo Goordhow la Doortay yaa kusoo baxay(Aqriso)
Next articleWar Cusub oo kasoo kordhay Xayiraadii uu maraykanku Saaray Madaxda Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here