Home Wararka Somaliya Galmudug Xildhibaanad Dhiirogelin ugu tagtay Ciidamada Beesha Murusade ee Dhawaan Wabxo Kasoo Baxay(Sawiro)

Xildhibaanad Dhiirogelin ugu tagtay Ciidamada Beesha Murusade ee Dhawaan Wabxo Kasoo Baxay(Sawiro)

0

Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte oo katirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaartay jiidaha hore ee ku sugan yihiin ciidamada deegaanka beesha Murusade ee loogu tala galay in ay xureeyaan degmooyin iyo deegaano katirsan Galgaduud.

Jiida hore ee dagaalka waxaa xildhibaanada kusoo dhaweeyay xildhibaano katirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, saraakiil ciidan iyo waxgarad, waxa ayna xildhibaanada u kuurgashay xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada deegaanka.

Xildhibaanada iyo saraakiisha horey ula joogay ciidanka ayaa warbixin ka siiyay xildhibaanada halka ay marayaan howlgalada ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaanada beesha degto, waxa ayna xuseen in ay ku jiraan hadda diyaar garow dagaal.

Saraakiisha ayaa u sheegay xildhibaanada in xeelad dagaal uga soo baxeen deegaanka Wabxo ay dhawwaan qabsadeen, waxa ayna sheegeen in hadda socdo qorshihii Wabxo ugu laaban lahaayeen ugana sii gudbi lahaayeen.

Xildhibaan Faa’isa Jeyte ayaa ku amaantay saraakiisha iyo ciidamada deegaanka beesha Murusade naf hurnimada ay sameenayaan, waxa ayna xustay in ay garab taagan yihiin lana soconayaan inta ay ciidamada howlgalada wadaan.

Ciidamada beesha Murusade ayaa hadda lasoo warinayaa in ay joogaan inta u dhaxeysa Wabxo iyo Maxaas ayna halkaasi ka wadaan abaabul ay ku doonayaan in mar kale dib ugu laabtaan degmada Wabxo.

Ad
Previous articleJubaland Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Askar Hore Dil U Geysatay.
Next articleGalmudug oo Ku Dhawaaqday 5 Degmo oo Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here