Home Wararka Maanta Xildhibaan lagu Dilay mid ka mid ah Magaalooyinka ugu amniga badnaa Soomaaliya

Xildhibaan lagu Dilay mid ka mid ah Magaalooyinka ugu amniga badnaa Soomaaliya

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay xildhibaan reer Koonfur Galbeed ahaa loogu gaystay  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaas oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo baxsaday.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Xildhibaan Cabdiwahaab Daqare oo ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Bardaale ee gobolka Baay, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xildhibaanka ayaa xilliga la tooganayay ku sugnaa goob aan ka fogeyn guri uu ka dagan yahay magaalada Baydhaba, waxaana u yimid rag hubeysan oo dilay, kadibna cararay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jirto natiijo ay gaareen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dilka xildhibaanka, wuxuuna tacsi u diray ehelladiisa, isaga oo marxuumka eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

“Innaa li laahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaan ugu tacsiyaynayaa Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha-u-naxaristee Abduhaab Mohamed Daqare oo Caawa Baydhabo gacan ka xaq daran ay ku dishay. Waxaan Alle uweydiinayaa in hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo Alle haidinka siiyo.” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Baydhabo ayaa waxaa dilal qorsheysan alaaba ka fuliya maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxayna horay magaaladaasi ugu dileen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, Baydhaba ayaa kamid ah magaalooyinka ay sidoo kale go’doomiyeen xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanada u dhow magaaladaasi.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleTrump oo Hanjabaad Culus u diray Midowga yurub Maxaa Cusub?
Next articleGermalka oo Bilaabay Qorshe uu ku celinayo Qaxootiga kasoo jeeda Dalka Suuriya