Home Wararka Maanta Trump oo Hanjabaad Culus u diray Midowga yurub Maxaa Cusub?

Trump oo Hanjabaad Culus u diray Midowga yurub Maxaa Cusub?

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu qorsheynayo inuu canshuur dul dhigo Midowga Yurub, oo ku eedeeyey in ganacsi aan caddaalad aheyn uu kala dhaxeeyo Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka doodaysay canshuur ciqaab oo dhan 10% oo la saaro alaabaha laga keeno Shiinaha, sababtuna tahay in daroogada fentanyl oo ka timaada Shiinaha loo soo gudbiyo Mareykanka iyada oo lasoo mariyo waddamada Mexico iyo Canada.

Trump ayaa hanjabaadaha cusub ee canshuuraha ku dhowaaqay mar uu Talaadadii ka hadlayay Aqalka Cad, maalin kaddib markii uu xafiiska la wareegay, isagoo aan isla markiiba fulin ballanqaadyadii uu ololaha doorashada ku galay ee ahaa inuu canshuurro soo rogi doono.

Hadalladii ugu dambeeyay ee Trump ayaa hoosta ka xariiqay rabitaankiisa mudada dheer ee ah in la ballaariyo canshuuraha, iyadoo 1-da Febraayo loo qabtay waqti kama dambeys ah si loo soo rogo canshuur 25% ah oo saameyn doonta Canada iyo Mexico, iyo sidoo kale Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo waddamada kale ay leeyihiin faa’iidooyin ganacsi oo xad-dhaaf ah oo ka dhan ah Mareykanka.

“Midowga Yurub aad iyo aad buu inoo xumeeyaa,” ayuu yiri isagoo ku celinaya hadallo uu Isniintii sheegay. “Markaa waa inay canshuuro wajahaan. Waa habka kaliya … oo aad caddaalad ku heli karto.”

Trump ayaa Isniintii sheegay inuu ka fakarayo inuu canshuur dul dhigo Canada iyo Mexico haddii aysan tallaabo ka qaadin xakameynta tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogada fentanyl, oo ay ku jiraan kiimikooyinka laga soo gudbiyo Shiinaha, ee soo gala Mareykanka.

Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu 10% canshuur dul dhigi doono alaabaha laga keeno Shiinaha, balse wuxuu qorshahan dib ugu dhigay illaa waqtiga kama dambaysta ah ee 1-da Febraayo.

China ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada Mareykanka si loo “maareeyo khilaafaadka si habboon loona ballaariyo iskaashiga wadajirka ah ee faa’iidada leh.”

Waxay sidoo kale sheegtay inay dooneyso inay horumariso xiriir xasilloon oo waara oo ay la leedahay Mareykanka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Mar walba waxaan rumeysanahay in aan guuleyste laga noqon karin dagaal ganacsi ama canshuur. Shiinaha had iyo jeer wuxuu si adag u ilaalin doonaa danta qarankiisa,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, Mao Ning, oo la hadlayay warbaahinta Arbacada maanta ah.

La-taliyaha ganacsiga ee Aqalka Cad, Peter Navarro, ayaa Talaadadii u sheegay CNBC in hanjabaadda canshuurta ee Trump ee ku wajahan Canada iyo Mexico ay tahay cadaadis lagu saarayo labada waddan si ay u joojiyaan tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka khatarta ah ee ka soo gudbaya xuduudaha Mareykanka.

Reuters

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMuxuu ahaa Qaraxa Xalay ka dhacay Magaalada Laasacaanood?
Next articleXildhibaan lagu Dilay mid ka mid ah Magaalooyinka ugu amniga badnaa Soomaaliya