Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo kulan Xasaasi ah la Qaatay Victoria Nuland

Xasan Shiikh oo kulan Xasaasi ah la Qaatay Victoria Nuland

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta madaxtooda kula kulmay ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Marekanka Victoria Nuland oo booqasho rasmi ah ku joogta magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyda ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Victoria Nuland ay ka wadahadleen ‘danaha labada dal’.

“Mareykanku wuxuu ahaanayaa saaxiib la isku halayn karo, xilli Soomaaliya ay xoojinayso hay’adaha dowliga ah, si ay u gaarto xasillooni siyaasadeed, amni iyo dhaqaale” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Kulankan ayaa imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu soo celinaya Soomaaliya.

Ciidamadaas Ameerikaanka ah waxay dowladda Soomaaliya ka gacan siinayaan dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo argagixisada kale eek a jirta Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo ciidamadiisa ka saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka, iyadoo howlkii ugu horreeyay ee soo noqoshadooda ay Mareykanku ku dileen ugu yaraan shan ka mid ah kooxda Al-shahaab.

Ad
Previous articleP.M Rooble oo Caawa Magacaabay Guddi Cusub oo Ka Shaqayn doona…
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Caawa la Qorsheenayaa inuu Magacaabo R/W Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here