Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Caawa Magacaabay Guddi Cusub oo Ka Shaqayn doona…

P.M Rooble oo Caawa Magacaabay Guddi Cusub oo Ka Shaqayn doona…

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi cusub u magacaabay qaban-qaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddigaan ayaa ka kooban 16 xubnood waxaana loo igmaday inay si siman u xiriiriyaan hay’addaha qaybta ku leh qaban-qaabada maalinta Xoriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu guddigaan magacaabi doona guddi-hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xoriyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigaan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Mudane Cusmaan Abuukar Dube, ayada oo ku-xigeen uu ka yahay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdillaahi Maxamed Nuur, halka ay xubno ka yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi ka kooban 16 xubnood
Next articleXasan Shiikh oo kulan Xasaasi ah la Qaatay Victoria Nuland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here