Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo ku Dhawaaqay Deeq Waxbarasho oo PHD ah 100 Qof...

Xasan Shiikh oo ku Dhawaaqay Deeq Waxbarasho oo PHD ah 100 Qof oo soomaali ah Lasiinaayo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin-jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa Maamulka Jaamacaddu waxay go’aamiyeen in ay Madaxweynaha ugu magac-daraan Xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Jaamacaddan ka qaatay sanadka, shahaadada sare ee cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxa uuna tilmaamay doorka laga filanayo in ay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca dalka.

“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera Waxbarashada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasusuka cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Degmada Deyniile
Next articleBanaan baxyo ka dhan ah Madaxweyne Ruto oo Kenya ka bilaabanaya iyo Raila Odinga oo Wacad maray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here