Home Wararka Maanta Banaan baxyo ka dhan ah Madaxweyne Ruto oo Kenya ka bilaabanaya iyo...

Banaan baxyo ka dhan ah Madaxweyne Ruto oo Kenya ka bilaabanaya iyo Raila Odinga oo Wacad maray

0

Hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Kenya ee Raila Odinga ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aan madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto shaqada uga joojiyay afar xubnood oo kamid ahaa guddiga doorashada dalkaasi.

Madaxweyne Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar xubnood oo kamid ajaa guddiga doorashada uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenka guddiga, kuwaa oo kahor yimid natiijada doorashadii uu ku guuleestay sidoo kale shaki galiyay guushiisa.

Raila  Odinga ayaa wax laga xumaado ku tilkmaamay go’aanka shaqo joojinta xubnaha katirsan guddiga doorashada uu ku dhawaqaay Madaxweynaha, waxa uuna xusay in Ruto doonayo in la wareego maamulka doorashada soo socota.

“Iyagu waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan, waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027” ayuu yiri Odinga.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa wacad ku maray  in ay qabanayaan banaan baxyo ay uga soo horjeedaan shaqo ka joojinta xubnaha guddiga doorashada, waxa uuna xusay in bulshada Kenya kala tashan doonaan tallaabooyinka ay qaadayaan.,

Dibadbaxa ugu horeeya ayaa ka dhici doona magaalada Nairobi  todobada bishan December, halka kan labaadna ay qaban doonaan 12-ka December, waxa uuna Odinga ugu baaqay taageerayasahiisa in ay isku soo baxaan.

Xubnaha guddiga doorashada ee Madaxweynaha shaqada ka joojiyay ayaa ahaa kuwii kahor yimid natiijada doorashasiisa, waxa ayna xubnahan sheegeen in ku shabasho iyo khiyaano sameeyay Ruto oo si dirqi ah uga guuleestay Raila Odinga.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo ku Dhawaaqay Deeq Waxbarasho oo PHD ah 100 Qof oo soomaali ah Lasiinaayo
Next articleGalmudug oo ka Hadashay Afduubkii Ka Dhacay Caabudwaaq Amarna Siisay Ciidamada Amaanka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here