Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Abaal Mariyay Gudigii Doorashooyinka(Sawiro)

Xasan Shiikh oo Abaal Mariyay Gudigii Doorashooyinka(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa ku bogaadiyay guddiyada doorashooyinka shaqadii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada, isagoo xusay iney muujiyeen adkeysi iyo dulqaad badan, iyagoo ka soo gudbay caqabado fara badan.

Munaasabadda oo ku qabsoontay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, waxaa ka qayb galay, Guddoonka labada gole ee BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaare ku xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Marwo  Sacdiya Yaasiin Xaaji, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Marti sharaf kale.

 

 

Ad
Previous articleDhageyso: Gaas oo ka hadlay Raisal Wasaaraha Cusub ee Somaliya iyo Cida Noqoneysa
Next articleTurkish Airline oo Bilowday Dulimaadkii ugu Horeeyey ee Muqdisho oo Toos ah ku imaanaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here