Home Wararka Maanta Turkish Airline oo Bilowday Dulimaadkii ugu Horeeyey ee Muqdisho oo Toos ah...

Turkish Airline oo Bilowday Dulimaadkii ugu Horeeyey ee Muqdisho oo Toos ah ku imaanaysa

0

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa soo afjartay duulimaadkeedii Istanbul-Jabuuti-Muqdisho ayada oo ku beddeshay laba duulimaad oo kala duwan oo kala ah; Istanbul-Muqdisho iyo Istanbul-Jabuuti.

Adeeggan oo dhowr toddobaad u socday si tijaabo ah, ayey Turkish Airlines sheegtay inuu hadda kadib yahay rasmi illaa amar dambe, taasi oo macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda si toos ah ugu xiran tahay Yurub, markii ugu horreysay muddo ka badan 30 sano.  

Garoonka Istanbul Airport ayaa ku yaalla dhinaca Yurub ee marinka Bosporus, wuxuuna sanadkii tegay ahaa garoonka labaad ee ugu mashquulka badan ee ay maraan safrayaasha caalamiga ah, kadib garoonka Dubai oo kow ku jiray.

Intii uu socday Coronavirus, Turkish Airlines ayaa si ku-meel gaar ah isaga kala gooshi jirtay Muqdisho iyo Istanbul bilihii July illaa September 2021, balse wuxuu ahaa kaliya ku-meel gaar, waana la joojiyey.

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul ayaa sidoo kale si kooban u jiray 2012-kii markii Turkish Airlines ay billowday duulimaadyadeeda Muqdisho.

Istanbul iyo Soomaaliya

Turkish Airlines waxay si toos ah uga shaqo billowday Soomaaliya 6-dii March 2012, ayada oo isaga kala gooshi jirtay garoonkii hore ee Atatürk iyo Muqdisho. Duulimaadkaas ayaa billowday toddoba bilood un kadib markii madaxweyne Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare uu booqday dalka markii ugu horreysay.

Waxay markii horey Muqdisho tegi jirtay laba maalin toddobaadkii, ayada oo ku hakan jirta Khartoum, balse waxay kadib hakashada u wareejisay Jabuuti bishii August 2012.

Duulimaadkaas ayaa soo socday illaa dhammaadkii March 2022, markaas oo kadib si ku-meel gaar ah loo joojiyey.

Hadda waxay Turkish Airlines ay si toos ah isaga kala goosheysaa Istanbul iyo Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa ku dhowaad saacad dheeri ku aheyd safarka, oo lagu hakan jiray Jabuuti

 

 

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Abaal Mariyay Gudigii Doorashooyinka(Sawiro)
Next articleGabar Soomaali ah 16 Jir oo Dishay nin ajnabi ah iyo Sababta oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here