Home Wararka Maanta Xarumihii Alshabaab Dadka Muqdisho ugu yeeri jireen oo la burburiyay

Xarumihii Alshabaab Dadka Muqdisho ugu yeeri jireen oo la burburiyay

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay ciidanka dowladda Soomaaliya ay burburiyeen Maxkamado Al-Shabaab ku lahaayeen duleedyada Muqdisho.

Maxkamadaha ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay ugu u yeeri jireen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho ee ay ka doonayaan iney baad ka qaataan ama ka hor yimaada awaamiirtooda sida uu yiri.

Fiqi ayaa dhinaca kale sheegay in ciyaal weerado ay ka hoos dhasheen kooxaha loogu yeero argagixisada sida uu hadalka u dhigay, isagoo waalidiinta dhalay caruurtaas ugu baaqay iney gacanta qabtaan inta aysan gacanta ku dhigin heyadaha amaanka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay wado qorsho mid ah oo lagu wajahayo dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo uu sheegay inuu heer gebogebo ah marayo.

 

 

Ad
Previous articleWadaad ka tirsan Taliban & 20 kale oo ku dhintay qarax ka dhacay Masjidka Herat (Sawirro)
Next articleWasiirkii Qorshenta ee Dowladdii hore oo Xil sare loo magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here