Home Wararka Maanta Xarumaha Ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa Dabka iyo Sayidka oo xiran...

Xarumaha Ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa Dabka iyo Sayidka oo xiran iyo Bannaan bax la qorsheenayo (Sawirro)

0

Waxaa saakay gabi ahaan xiran goobihii ganacsi ee kuyaallay inta u dhaxeysa isgoosyada Dabka iyo Sayidka ee laamiga makka Al Mukarama, waxa ayna ganacsatada go’aansadeen in gabi ahaan xiraan ganacsigooda si ay cabasho u muujiyaan.

Goobaha ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa labada isgoos ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaashiyaha laamiga oo loo diiday in gaadiidka iyo sidoo kale mootooyinka bajaajta  isticmaalaan .

Waxa ayna sheegeen ganacsatada iyo goobaha ganacsi ay degan yihiin lacago badan uga kireesan tahay, haddana aysan heesan macaamiil wax ka iibsata, maadaama ciidamada dowladda xireen isgooska Dabka ayna diideen in gaadiidka kasoo gudbaan.

Ganacsatada ayaa saakay qaban qaabinaya bannaan bax cabasho ay uga soo horjeedaan xirnaashaha inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo Sayidka, waxa ayna codsanayaan in wadadadaasi oo muhiim u ah ganacsigooda dib loo furo.

Ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay ammaanka wadooyinka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ayaa koontarool dhigay isgooska dabka, waxa ayna ciidamada kaliya deenayaan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Ad
Previous articleSweden Waa Dalka ugu Wanaagsan ee lagu Noolaan karo Sanadka 2022” Warbixin Caalami ah”
Next articleTPLF oo Ciidamadoodii Kal baxay Furimaha Dagaalka Xili Lagu amray inay Hubka Dhigaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here