Home Wararka Maanta TPLF oo Ciidamadoodii Kal baxay Furimaha Dagaalka Xili Lagu amray inay...

TPLF oo Ciidamadoodii Kal baxay Furimaha Dagaalka Xili Lagu amray inay Hubka Dhigaan

0

Dowladda federaalka Itoobiya iyo madaxda jabhada TPLF ee ka dhisan waqooyiga Itoobiya ayaa gaaray heshiis nabadeed, waxa ayna labada dhinac ku heshiiyeen in jabhada hub ka dhigis sameyso ciidamada federaalkana la wareegaan gobolka Tigrey.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in jabhada TPLF hadda bilowday in furumaha hore ee dagaalka uga jireen in ay kala baxaan ciidankooda, waxaana ciidankaasi la geeyay goobo gaar ah oo jabhada ugu tala gashay.

Madaxa ciidamada TPLF ,Tadesse Werede ayaa sheegay in ciidankooda 65% AY ka saareen farumaha dagaalka, waxa uuna xusay in ciidanka dejiyeen goobo cayimadn ay sii joogi doonaan inta laga dhaqan gelinayo heshiiskii horey loo gaaray.

Waxa uu sheegay sargaalkan in aysan ciidankooda hubka dhigeyn inta laga saarayo qeybo kamid ah gobolka Tigrey ciidamada ka socda dalka Eritrea iyo sidoo kale ciidamada ka socda maamulada kale ee Itoobiya ee jooga deegaanadooda.

Heshiiska hub ka dhigista ay gaareen dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaan wali si rasmi ah u dhaqan gelin, waxaana wali socda wadahadalo xal loogu raadinayo culeesyada jira gaar ahaan shuruudaha cusub ee TPLF ku xirtay in ay hubka dhigaan.

Ad
Previous articleXarumaha Ganacsi ee kuyaalla inta u dhaxeysa Dabka iyo Sayidka oo xiran iyo Bannaan bax la qorsheenayo (Sawirro)
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka rabana inuu baajiyo mooshinkii la gudbiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here