Home Wararka Maanta Xamaas oo Shuruud adag ku xirtay sii deysmada 55 La-haystayaal Reer Galbeed...

Xamaas oo Shuruud adag ku xirtay sii deysmada 55 La-haystayaal Reer Galbeed ah oo hawaan Dagaal Kusoo Qabsatay

0

Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inuu fashil ku yimid qorshe shalay oo Isniin ahayd lagu sii dayn lahaa la-haystayaal shisheeye ah oo ururka Xamaas gacanta ku hayaan.

Cadadkii shalay ee Wargeyska ayaa waxa lagu xusay inay Dagaalamayaasha Xamaas shuruud ku xireen inay sii daayaan 55 qof oo shisheeye ah, kuwaasi oo qeyb ka ah dadka la-haystayaasha lagu hayo magaalladda go’doonsan ee Qasa.

Xamaas waxay dalbadeen shuruud ku aadan in Marinka Qasa la gaarsiiyo shidaalka oo ay dadka Reer Falastiin baahi weyn u qabaan xilligan, inkastoo ay maamulayaasha Israel horey u mamnuuceen in shidaal loo gudbiyo magaalladda Qasa ee go’doonsan iyo guud ahaan deegaannada Marinka Qasa.

Dhinaca kale, heshiiska lagu sii dayn lahaa la-haystayaasha oo dhammaantooda haysta baasabooro aan ahayn kan Israel ayaa la filayey in shalay la soo gebegebeeyo iyo in lagu wareejiyo saraakiisha ururka Laanqeyrta Cas (ICRC) ee ku sugan magaallada Khaan Yoonis ee Koonfurta Qasa.

Shabakada Wararka Israel ee i24News ayaa qortay xog ku aadan inay Diyaaradaha dagaalka Israel si KMG ah shalay u joojiyeen duqeymihii ay ku hayeen Qasa, si koox ka socota Ururka Laanqeyrta Cas ee ICRC loogu oggolaado inay si nabad ah ku gaaraan barta lagu wareejin lahaa la-haystayaasha ay Ururka Xamaas sii dayn lahaayeen.

Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa inta badan dadaal ugu jira hawlaha Dhex-dhexaadinta ee lagu sii daynayo La-haystayaasha ay Ururka XAMAAS ka soo qafaasheen gudaha Israel bishan October 7-dii.

Xalay waxaa la sii daayey La-haystayaal Haween u dhashay israel, halka bilowgii isbuucan la sii daayey Hooyo iyo gabadheeda oo Maraykan ah, kuwaasi oo dhamaantooda sababo dhinaca Aadminimada loo sii daayey.

Ad
Previous articleMilatariga Isreal oo waqooyiga magaalada Gaza ku daadiyay warqado Codsi ah
Next articleHorjooge sare oo ka Tirsanaa Alshabaab oo Ciidamada Dowlada usoo Gacan galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here