Home Wararka Maanta Milatariga Isreal oo waqooyiga magaalada Gaza ku daadiyay warqado Codsi ah

Milatariga Isreal oo waqooyiga magaalada Gaza ku daadiyay warqado Codsi ah

0

Ciidamada milatariga Israel ayaa isku dayaya sidii ay ku gali lahaayeen magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamadan doonayaan in ay xoog kusoo furtaan dadka Isreal kasoo jeeda ee xoogga ku heestaan kooxda Xamaas.

Milatariga Isreal ayaana waqooyiga magaalada Gaza ku daadiyay warqado ay dadka kaga dalbanayaan in ay xog ka siiyaan halka kooxda Xamaas ku hayaan dadka u afduuban , waxa ayna dadka u ballan-qaadayeen lacago iyo nabad-galyo.

“Haddii doonistaadu tahay inaad nabad ku noolaato oo aad mustaqbal wannaagsan u heshid caruurtiina, si degdeg ah u samee hawsha bini’aadantinimo oo nala wadaag macluumaadka la hubo ee muhiimka ah ee ku saabsan dadka lagu haysto degaankaaga.” ayey Isreal ku qoreen warqadaha ay ku daadiyeen Gaza.

Warqada ay daadiyeen milatariga Isreal oo lagu daabacay af Carabi ayaa sidoo kale loogu ballan-qaaday dadka in la siin doono abaal-marin lacageed iyo sidoo kale la qarin doono xogtooda lana siin doono damaanad qaad amni.

Kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa afduub ahaan u heesata in ka badan 200-qof oo Israa’iiliyiin ah , kuwaa ay ka afduubteen deegaanno kuyaalla dhulka Israel xoogga ku heesato 7-dii bishan October.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo dhexmaray Ciidamada Nabad sugida iyo Beelkamid ah kuwa Daga hiiraan oo Ka dhacay Hiiraan
Next articleXamaas oo Shuruud adag ku xirtay sii deysmada 55 La-haystayaal Reer Galbeed ah oo hawaan Dagaal Kusoo Qabsatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here