Home Wararka Somaliya Xaalada Cali Yare Cali oo Qarax lagula eegtay Goor dhow Magaalada Muqdihso

Xaalada Cali Yare Cali oo Qarax lagula eegtay Goor dhow Magaalada Muqdihso

0

Cali Yare Cali ayaa ka badbaaday Qarax la doonayay in lagu qaarajiyo Goor dhow isaga iyo ilaala uu watay.

inkastoo Qarax ka badbaaday Hadana Waxaa jira dad badan oo ku dhintay Qaraxa oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay Waxybaaha Qarxa Sida Mudug24 ka heshay masuuliyiin Dowlada ah.

Siyaasiga ayaa markii ugu horeesay lala eegtay Qaraxa waxana uu maalmihii u danbeeyay aad ugu milmay siyaasada isagoo Baraha bulshada ku weerara siyaasiyiin ay isku heyb yihiin kuwaasi oo kasoo horjeeda Farmaajo.

Sida aan wararka ku helnay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray gaari nuuca aan xabadaha karin iyo gaadiid kale oo marayay agagaarka koontaroolka laga galo wadada Jayga ee aada garoonka Aadan Cadde.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw ka dhacay Muqdisho, mana jiro ilaa hada faah faahino dheeraad ah oo laamaha amaanka ka bixiyeen qaraxan iyo khasaraaha ka dhashay.

lasoco Waxa soo kordha

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho(Sawiro)
Next articleDadaalo Lagu Baajinaayo Banaanbax Beri oo kasocda Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here