Home Wararka Maanta Xaafada Rinkeby oo Askari Boolis ah lagu Dhaawacay, Halka 8 Qof lagu...

Xaafada Rinkeby oo Askari Boolis ah lagu Dhaawacay, Halka 8 Qof lagu Xiray

0

Nin booliis ah ayaa ku dhaawacmay rabshado galabnimadii jimcaha ka dhacay xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm , kaas oo looga soo horjeeday xagjirka garabka midig ee Rasmus Paludan oo ku gubay qur’aanka kariimka ah mid ka mid ah barxadaha xaafadda.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan tallaabadan uu soo abaabulay xisbiga midigta fog ee “Straam Corse”.

Durbadiiba markii uu buuqaasi qarxay ayaa waxaa goobta isaga cararay xubno ka tirsan xisbiga iyo horjoogaha xisbiga.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamada Booliska oo ay la socdeen dhowr xubnood, iyadoo lagu tuuray dhagxaan. Sida ay wararku sheegayaan, boolisku waxa ay u xidhxidheen ilaa 8 qof isku day weerar iyo ku xad gudub sharciga.

Sidoo kale taliyaha booliiska qaranka Anders Thornberry ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in falalkan oo kale ay yihiin kuwo xadgudub ku ah sharciga iyo dimuqraadiyadda Sweden, isagoo carrabka ku adkeeyay in sharciga lala tiigsan doono ciddii ku lug lahayd wax uu ugu yeeray “Rabshado iyo Kharribaad.

Ad
Previous articleDagaalkii Goordhow ka Bilowday oo joogsaday iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa
Next articleSweden: 9 Askari oo Boolis ah oo lagu Dhaawacay, 4 Gaari oo lagu gubay Rabshado ka dhacay Örebro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here