Home Wararka Somaliya Weriye Muddo u xirnaa Puntland oo xukun Lagu riday.

Weriye Muddo u xirnaa Puntland oo xukun Lagu riday.

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo  Arbaco ah waxaa ay xukun ku riday Wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddo u xiray laamaha Amniga Puntland.

Wariyaha ayaa Maxkamadda waxaa ay ku riday xukun xarig Saddex bilood ah oo ka bilaabanaya  markii la xiray oo ah 28-ki Bishii December sanadkii 2020, waxaana u haray muddo saddex maalmood ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee ayaa sheegtay in aysan wax caddayn ah u hayn, eedo loo soo jeediyey oo ah in uu duubay sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo.

Xukunka Maanta Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee Puntland ku riday Wariye Kilwa Aadan Faarax ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Madaxweynaha Puntland uu fagaare ka sheegay in Wariyaha uu yahay dambiile, dhawaana Maxkamad la horkeeni doono, iyada oo ugu dambeyn Maanta la xukumay.

Wariye Kilwa Aadan Faarax ayaa ka hor xarigiisa waxaa uu bartiisa Facebook uu soo geliyay muuqaalka dad banaanbax looga cabanayay sicir barar ka dhigay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal taas oo keentay in la xiro.

Ad
Previous articlePuntland oo shuruudo adag ku xirtay ka Qeyb galka Shirka Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay
Next articleMaxay Tahay Shuruudaha DFS ay ku xirtay Banaanbaxa Mucaaradka ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here