Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo shuruudo adag ku xirtay ka Qeyb galka Shirka Madaxweyne Farmaajo...

Puntland oo shuruudo adag ku xirtay ka Qeyb galka Shirka Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay

0

Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka.

Dowlad Goboleedka Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

Xigasho : Madaxtooyadda Puntaland-Somaliya

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Amaro Cusub soo rogtay
Next articleWeriye Muddo u xirnaa Puntland oo xukun Lagu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here