Home Wararka Caalamka Weeraro Mindiyo loo adeegsaday oo dad badan lagu dilay oo ka dhacay...

Weeraro Mindiyo loo adeegsaday oo dad badan lagu dilay oo ka dhacay Saskatchewa (Sawirro)

0

Weeraro dad badan lagu dilay oo loo adeegsaday mindi ama toorey ayaa ka dhacay gobolka Saskatchewa ee dalka Canada, waxaana weerarkan cabsi badan ka abuuray qeybo badan oo kamid ah dalka Canada.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in labo weerar oo loo adeegsaday tooreyda lagu dilay dad gaaraya 10-qof halka weeraradaasi lagu dhaawacay 15-qof oo kale oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Ciidamada booliiska ayaa baadigoob ugu jira labo nin oo la tuhmayo in ay ka dambeeyeen weeraradan dadka badan lagu laayay, waxaana ragan la baadigoobayo magacyadooda lagu sheegay Damien Sanderson, oo 31 jir ah iyo Myles Sanderson oo 30 jir ah.

Maamulka gobolka weerarku ka dhacay ayaa sheegay in dadka lagu dilay weerarkan u muuqdeen kuwa bartilmaameed ahaa halka kuwa kalana sheegeen in loo beegsaday si aan kala sooclaheyn.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo weerarkan dadka badan lagu dilay, waxaana kooxdii ka dambeesay weerarka tooreyda loo adeegsaday loogu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidanka amniga.

Ad
Previous articleSarkaal ka Tirsan Haramcad oo Dagaalka Basra Lagu dhaawacay
Next articleBoliiska Galmudug oo qabtay gaadiid siday Geed kotorobaan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here