Home Wararka Maanta Weerarkii Villa Rays oo gilgilay quluubta Soomaalida Birmingham

Weerarkii Villa Rays oo gilgilay quluubta Soomaalida Birmingham

0

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham ee waddanka Britain ayaa sheegay inay ka argagaxeen warka geerida gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaaladaasi iyo culimo kale oo ku dhintay weerarkii Axadii ay Al-Shabaab ku ekeeyeen hoteelka Villa Rays ee ku yaal agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegay inay soo afjareen dagaal hoteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.

Hoteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaal goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyo hal askari.

Dadka meeshaas lagu dilay waxaa kamid ah Sheekh Cabdulqaadir Cabdullaahi Axmed (Sheekh Cabdulqaadir Garweyne), gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaalada Birmingham.

Ad
Previous articleAbwaan Geesi oo Geeriyooday iyo Xanuunka uu ugeeriyooday oo la Shaaciyay
Next articleUkraine oo heshay gantaalada riddada dheer ee Faransiiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here